Ciidamo Ka Tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo Ka Gadooday Mushahar La’aan

0
823

Garoowe (Hargeisa Press)- Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo ka gadoodsan mushahar la’aan ayaa lagu soo waramayaa in ay xidheen waddada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ciidamadan ka gadoodsan mushahar la’aan soo wajahday, ayaa waxaa ay isku fidiyeen laamiga dheer ee isku xidha magaalooyinkaasi, waxaana la sheegayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo agagaarka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Sidoo kale, tobaneeyo ka mid ah gaadiidka xamuulka ah oo ku sii jeeda gobollada dhexe ee Soomaaliya, ayaa ku xayiran dhanka kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka kuwa kale oo ku wajahan magaalada Boosaaso loo diiday inay ka gudbaan halkaasi.

Xaaladda, ayaa isku cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ammaanka Maamul Goboleedka Puntland oo ku aadan gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo mushahar laa’aan ka cabanayaa ay ka soo baxeen furimaha buuraha Golis ee gobolka Bari ee maamulkaasi.

Gadoodka ciidamada maamul goboleedka Puntland, ayaa marar badan ku soo laa laabtay Puntland, waxayna inta badan ciidamadu qaadaan tallaabooyin dheeraad oo saameysa dadka shacabka ah iyo ganacsatada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here