Ururka Sarifleyaasha Somaliland Ee Wadajir oo Ka Hadlay Adkaynta Nabadgelyada

0
615

Hargeysa (Hargeisa Press)- Ururka Sarifleyaasha Somaliland ee Wadajir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ay ka hadleen adkaynta nabad geliyada dalka Somaliland iyo sida ay waajibka u tahay in dhan looga soo wada jeedo nabadgalyada.

Hoggaanka ururka Sarifleyaasha Somaliland ee Wadajir, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay nabadgalyadu ugu fadhido dadka iyo dalkaba iyagoo ka sheekeeyay sidii ay ku timid nabadgalyada uu waddanku ku naaloonayo.

Waxaa kale oo ay tilmaameen sida ay diinteena suuban ee Islaamku u adkaysay amniga isla markaana ay ka horaysiisay iimaanka.

Mas’uuliyiinta Ururka Sarifleyaasha wadajir, waxaa kale oo ay tilmaameen in falkii ay koox hubaysani ku beegsadeen Ciidanka Booliska ee ka dhacay deegaanka Go’da yar isla markaana keenay dhimashadda iyo dhaawacu uu meel ka dhac ku yahay nabadgalyada, kala danbaynta iyo wada jirka ummada.

Waxayna ugu baaqeen haldoorka bulshadda Somaliland inay kaalin ka qaataan sidii xal looga gaadhi lahaa is maandhaafyada jira, waxaa kale oo ay dadweynaha u soo jeediyeen in aanay warbaahinta isu marin hadalo nacaybshiiyo keenaya.

Hoggaanka ururka Sarifleyaasha Somaliland ee Wadajir, waxaa kale oo ay iftiimiyeen wanaaga uu leeyahay wada tashiga, wada hadalka, xoojinta nabadgelyada, iyo daryeelka danaha bulshada iyadoo mar walba mudnaanta kowaad la siinayo nabadgelyada iyo dowladnimada aynu haysano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here