Hargaysa (HP): Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta loo qaybiyay ajandaha kal-fadhiga 77-aad, oo ay ku shaqayn doonaan inta kal-fadhigan lagu guddo jiro.
Fadhigii maanta ee golahaasi oo uu shirguddoominaayay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golahaasi Siciid Jaamac Cali, ayaa xildhibaannada u soo jeediyay inay soo naaqishaan ajandaha ay ku shaqayn doonaan muddada fadhiga goluhu jiro.
Ajandahan kalfadhiga 77-aad ee loo qaybiyay mudanayaasha golaha Guurtida ayaa ka kooban 13 qodob, isla markaana looga baahan yahay mudanayaasha inay waajibkooda ka gutaan.
Sabtida todobaadkan soo socda ayaana la qorsheeyay in doodiisa wax ka baddelka iyo kaabistiisa in la guddo galo.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.