Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Sheegay In Qarannimadda JSL Lagu Soo Duulay  

0
217

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in kooxaha huwanta ah ee Laascaanood colaadda ka wadaa in ay u socdaan qorsheyaal kale oo ka qoto dheer inta la malanyanayo.

Waxaanu sheegay in ay fool xjmo weyn tahay ficiladda xun xun ee ka muuqda muuqaaladda ay iska soo duubayaan ee ay maxaabiista ku gawracayaan kooxaha Laascaanood ka dagaalamayaa.

Ficiladaasi oo uu ku tilmaamay in aanay ahayn dhaqan Soomaaliyeed, isla markaana ay dhawaan Laascaanood iyo Sool ba ciidanka qaranku ka saari doonaan kooxaha isku soo urursaday.

Waxaanu yidhi “Kuwa Maxaabiista gawracaya ee Laascaanood isku soo uruursaday, waxaan leeyahay, dhaqan Soomaali ma aha waxa aad samaynaysaan”.

Eng. Faysal Cali Waraabe, wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ay hantidoodu ku gubatay magaaladda Tog-Wajaale, waxaanu ugu baaqay guud ahaanba bulshadda reer  Somaliland in lacagaha ay bakhaarada dhigayaan ay ku bedelaan in baananka la dhigto, isla markaana ay bartaan caymiska la geliyo hantidda.

“Waxaan Tacsiyadeenaya dadkii khasaaruhuu kasoo gaadhay dabkii wajaale, ganacsatadana waxaan kula talinayaa” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

 

Geesta kale Eng. Faysal, waxa uu ka hadlay xaaladda Ceel-Afweyn, oo uu ku tilmaamay in ay inagu noqotay barr xun oo inagu taalla.

Waxaanu yidhi “Arrinta Ceel-Afweyn waxay inagu noqotay barr xun oo inagu taalla. Waxaanan leeyahay reer Ceel-Afweynoow intaad isku maqan tihiin, waa la inagu soo maqan yahay. Dad walaalo ah ayaad tihiine, walaalnimadii waa inaad soo ceshataan”.

 

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID ayaa ku booriyay bulshadda reer Somaliland in ay gacmaha isku qabsadaan sidii loogu midoobi lahaa qaranimadeena oo duulaan lagu soo qaaday.

Waxaanu farta ku fiiqay in cid kastoo ka leexata waxyaabaha lagu heshiiyay in meel looga soo wada jeesto, isla markaana loo arko kuwo cadowga Somaliland la saftay.

“Waxaan leeyahay ciddii ka leexataa midaynta somaliland, waxay lamid tahay kuwa kusoo duulay qaranka” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here