Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Admas  

0
293

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta ka qayb galay xafladda qalin jabinta dufcaddii 15-aad ee ka qalin jebisay jaamacadda Admas faraceeda Hargeysa.

 

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaas waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, aqoon yahano, xubno ka socday madaxda xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Admas, waalidiinta ardayda qalin jebisay iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici, oo xafladaasi ka hadlay ayaa u hanbalyeeyay ardayda qalin jebisay, waalidiintii ku soo tabcay, iyo macalimiintii wax soo barayay mudadii ay jaamacadda ku jireen.

Waxaanu yidhi “Waxaan hanbalyaynayaa maanta (shalay) oo farxad ii ah, in qalin jabintii 15-aad ee jaamacadda Admas aan joogno. Marka hore ardayda qalin jebiyay oo ay maalintoodii tahay waxaan leeyahay hanbalyo. Mustaqbal wanaagsan ayaanan idiiin rejaynayaa.

 

Waxa kaloo aan hanbalyaynayaa bahda jaamacadda Admas, maamulka, iyo macalimiinta, ee dedaalka badan soo geliyay in ay heerkan soo gaadhsiiyaan ardayda”.

 

Geesta kale Jaamacadda Admas ayaa magaaladda Hargaysa laga aasaasay sanadkii 2006-dii, waxaana mudadda ay shaqaynaysay ka qalin jebiyay arday aad u tiro badan, kuwaasoo qaarkood ay dalka madax ka yihiin.

 

Guddoomiyaha jaamacadda Admas Xuseen C/laahi Maxamuud, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay tiradda ardayda shalay jaamacadda ka qalin jebiyay, iyo heerarka waxbarasho ee ay qaateen.

 

Waxaanu yidhi, “Tiradda guud ee ardayda maanta (shalay) qalin jebinaysaa waa 364 arday. 302 arday derejadda digriiga ayay ka qalin jebinayaan. 62 ardaydna waxay ka qalin jebinayaan rejedadda labaad ama master-ta. Ardaydaasi geedi dheer ayay soo galeen, waanan ugu hanbalyaynayaa”.

Xuseen C/laahi Maxamuud, waxa kaloo uu sheegay in jaamacadda Admas ay hadda u gudubtay in ay samayso heer cilmi baadhis.

“Maanta Jaamacadu way ka gudubtay derejadii waxbarashada oo isku filaansho ayaanu  ka gaadhnay,waxaanuna ugudubnay oo xooga saaraynaa Cilmi baadhista” ayuu yidhi guddoomiyaha Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi Maxamuud.

 

Gebagebadii xafladaasi ayaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydii ka qalin jebiyay jaamacadda Admas.

 

DAAWO: Khudbadii Guddoomiyaha Jaamacadda Admas:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here