Guddoomiyaha Wajaale Oo Ka Warbixiyay Hawlaha Nadiifinta Suuqii Gubtay

0
206

Tog-Wajaale (HP): Gudoomiyaha degmada Tog-wajaale Mukhtaar Muuse Aw Xasan, ayaa ka warbixiyay baaxada khasaarihii ka dhashay dabkii dhawaan baabiiyay suuq ganacsi oo magaaladaasi ku yaalay.

Waxaanu sheegay guddoomiyuhu in hawlaha nadiifinta suuqaasi ay weli socdaan, isla markaana suuqa gubtay intiisii badnayd la nadiifiyay hada.

Sidoo kale guddoomiye Mukhtaar Aw Xasan, waxa uu sheegay in la fuliyay go’aamo ay wasaaradda Hawlaha guud ka soo saartay oo ku aadanaa in la furo wajahadaha ama berendeyaasha meheradaha bacadleyaasha magaaladaasi.

Waxaanu yidhi “Waxaa socota shaqada nadiifinta qashinka uu dabku ka tegay, arrimuhuna sidii aanu u qorshaynay ayay u socdaan. Waxa kaloo maanta (shalay), si fiican u socota furitaanka hadhka ama hagoogta wajahadaha meheradaha intoodii badnayd. Inta hadhayna waa la furi doonaa”.

“Amarkii uu soo saaray wasiirka Hawlaha guud si fiican ayay shacabkii u fuliyeen. Waxa kaloo aanu samaynay in waddooyinkii xidhnaa la wada furay, meelaha kooban ee hadhayna waan ka daba tegi doonaa” ayuu yidhi guddoomiyaha Wajaale.

Geesta kale Mukhtaar Aw Xasan, ayaa u mahad celiyay guddiga samato-bixinta suuqii Jigjiga ee gubtay oo kormeer qiimayn ah ugu yimid, iyo sidoo kale ardayda wax ka barta jaamacadda Nwe Generation oo iyagna ka qayb aaatay hawsha nadiifinta suuga gubtay ee Wajaale.

Waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinaynaa oo na soo booqday guddi ka socota suuqii Jigjiga ee gubtay, si ay noola wadaagaan tiiraanyadda, iyo arrinta murugada leh ee ka dhacday magaaladan Wajaale.

Waxa kaloo aan u mahad naqayaa jaamacadda New Generation oo na soo booqatay, si ay uga qayb qaataan hawlaha nadiifinta suuqan gubtay”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here