Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland Ee Sweden Oo Maalmahanba Ku Sugnaa Dalka Ayaa Kulan La Qaatay Wasiirkka Arrimaha Dibada Somaliland. + SAWIRRO

0
1090

Hargeysa, (HargeisaPress) —Gudoomiyaha gudidan rooda jaamac cilmi iyo maxamed yuusuf bidhiidh oo ka mida xubnaha gudidan iyo sidoo kale gudoomiyaha jaaliyada somaliland ee magaalada maalmo ayaa kulankan wasiirka waxay xog warran kaga siiyeen halka ay marayso arrinta ictiraaf raadinta ee laga wado dalka sweden iuo qaarada yurub,waxaanay sheegeen in baarlamaanka dalkaasi in ka badan toban jeer ay doodo toosa ka yeesheen qadiyadda somaliland,waxaanay sidoo kale sheegeen in jaaliyadaha qaarada yurub ee somaliland iyo gudida ictiraaf taadinta ee dalku ay kaalin wayn ka qaadanayaan sidii dalku ixtiraam iyo aqoonsi biuxa uga heli lahaa wadamada caalamka.

 

geeatiisana wasiirka arrimaha dibada somaliland dr sacad cali shire oo iu weheliyo gudoomiya hay,ada qurbejoogta qaranka auaa waxay si diiran usoo dhaweeyeen dadaalada gudida icyiraaf raadinta ee dalka,waxaanu wasiirku kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka lagu raadinayo sidii aqoonsi buuxa dalka loogu heli lahaa,waxaana la filayaa in mudada xubnaha gudidani dalka ku suganyihiin ay kulamo la qaataan hay,adaha dawlada oyo masuulinta qaranka u sarreeya.

13563345_10154431971257722_1777385763_n

Gudida ictiraaf raadinta soomaliland ayaa mudadii ay jireen waxay ku guulaysteen inay qadiyada somaliland geeyaan masraxyo caalamiya waxaana lama huraana in gacan buuxda laga siiyo hawlqabadka ay gudidani isu xil saareen taasoo fure u noqon karta aqoonsiga somaliland

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here