Guddoomiye Qodax Oo Soo Dhaweeyay Xeerka Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda

0
234

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha haayadda Shaqaalaha dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax, ayaa soo dhaweeyey xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda oo ay Khamiistii ansixiyeen Gollaha Wasiirrada Somaliland.

Khaalid Jaamac Qodax, oo waraysi siiyey ayaa sheegay in xeerkani ahmiyad weyn u leeyahay hay’adda iyo shaqaalaha dawladdaba, madaama oo uu kamid yahay mabaadii’da ay ku dhisan tahay hay’adda Shaqaalaha dawladdu.

Waxaanu sheegay in xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladdu uu ka kooban yahay dhawr qaybood, iyada oo lagu dhisaayo hay’adda ka shaqayn doonta xaqsiinta iyo hawlgabka shaqaalaha dawladda.

Khaalid Qodax, waxa uu tilmaamay in qofka shaqaalaha ahi ku hawlgabi doono da’da 65-ka, iyada oo loo raacaayo xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta shaqaalaha dawladda.

Waxaanu intaas raaciyey in ay jiraan xuquuq uu qofku codsan karo inta aanu da’daas gaadhin, waxa kale oo uu cadeeyey in uu qofka shaqaalaha ahi uu hawlgab codsan karo isaga oo aan gaadhin da’da hawlgabka.

Guddoomiye Khaalid Jaamac Qodax, waxa kaloo uu sheegay in faa’iidooyinka xeerkani u lee yahay shaqaalaha dawladda ay tahay in qofku garan karo xiliga uu hawlgabaayo iyo marka uu hawlgabo xuquuqda uu yeelana karo, madaama oo aanu hore u aqoon meesha uu u gudbi doono marka ay shaqadu ka dhammaato.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here