Guddoomiye Mukhtaar: “Reer Oodweyne Iyagaa Dheriga Uga Dhawaan Doona Reer Gabiley”

0
1073

Oodweyne (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha hay’adda Dhowrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta magaalada Oodweyne kaga qayb galay munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhawaynayay Taageerayaal ka soo diga rogtay xisbiga WADANI.

Guddoomiye Mukhtaar oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadaasi, ayaa ugu horayn ka waramay taariikhdii iyo halgankii dheeraa ee kala duwanayd ee uu ka soo qaatay xisbiga KULMIYE iyo wakhtigii uu ku soo biiray xisbiga.

Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa sidoo kale ka waramay wax-qabadka ay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hirgelisay Gobolka Daadmadheedh.

Waxaanu sheegay in horumarka balaadhan ee adeegyada aasaasiga ah ee dhanka Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo adeegyada kale ee maanta laga sameeyay gobolka Daad-madheedh aan hore looga samayn.

Guddoomiyaha hay’adda dhowrista tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa xusay in Oodweyne loo qabtay wax aan loo qaban Gabiley, isla-markaana reer Oodweyne ay dheriga uga dhow yihiin reer Gabiley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here