Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Xisbiga KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyay Oodweyne

0
592

Oodweyne (Hargeisa Press)- Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

Dadweyne tiro badan oo reer Oodweyne ah oo ku lebbisan astaamaha xisbiga KULMIYE, ayaa Guddoomiyaha iyo weftigiisa kaga hor yimi duleedka Bari ee magaalada,

Waxana ay u galbiyeen gudaha magaalada magaalada oo ay kaga qaybgaleen munaasibad ballaadhan oo xisbigu ku soo dhaweynayay Maayarka iyo ku-xigeenka degmada Oodweyne iyo xubno kamid ah garabka haweenka WADDANI oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE, kana soo digo rogtay xisbiga WADANI.

Munaasibadda xisbigu ku soo dhaweynayey Maayarka degmada Oodweyne, Ibraahim Qasaal Rooble iyo ku-xigeenkiisa, Maxamuud Macallin Maxamed iyo xubno katirsan garabka haweenka xisbiga WADDANI oo ay hoggaaminaysay, Marwo Farduus Suudi Cawaale oo ka soo digo rogtay xisbiga WADDANI, kuna soo biiray KULMIYE, ayaa waxa wefiga kala qaybgalay xubno kamid ah golaha Wasiirrada, madaxda dhaqanka ee gobolka, maamulka degmada, midka gobolka, taageerayaal tiro badan oo xisbiga katirsan, madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka, xubno xilal kala duwan ka haya xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here