Khilaafkii U Dhexeeyay Madaxweyne Biixi iyo Golaha Wakiillada oo Sii Xoogeystay

0
2760

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa kooram la’aan maalinkii saddexaad u furmi wayay fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland, xilli ay Golaha hortaallo miisaanniyad sannadeedkiii 2024 ka oo madaxweynuhu uu dib Golaha ugu soo celiyey.

Is af-garawaaaga soo kala dhex galay Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo la xidhiidha odoroska Miisaaniyadda, ayaa sababay in Golaha Wakiillada laga jaro mushaharkii ay qaadan jireen.

Waxa kale oo fadhi la’aanta Golaha loo sababaynayaa xeerar uu Madaxweyne Biixi Golaha Wakiillada ku soo celiyey kuwaas oo ay ka mid yahay xeerka ansixinta Gobolnimada Gabiley oo ay la socoto dallacsiinta afarta degmo ee kala ah, Baligubadle oo ‘B’ loo dallacsiiyo, Caynaba oo iyaddanna ‘B’ loo dallacsiinayo, Baki oo ‘B’ loo dallacsiiyo, Sheekh iyaddanna ‘B’ loo dallacsiiyo.

 

Xildhibaanada baarlamaanka, ayaan wax mushahar ah qaadan bishii aynu soo dhaafnay ee April, iyadoo bishan sii dhamaanaysa ee May la filayo in aanay mushahar qaadan. Hadii aan la xalin khilaafka u dhexeeya Xukuumadda iyo golaha Wakiillada.

Sidoo kale, waxaa kale oo la sheegay in la hakiyay badanaa lacagtii hawlaha baarlamaanka.

Arrimahan, ayaa la sheegay inay la xidhiidho khilaafka miisaaniyadda ee u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Golaha Wakiillada.

Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxka bedel ku sameeyay odorooska miisaaniyadda ee ay soo gudbisay Xukuumaddu, iyadoona madaxweyne Biixi uu dib ugu soo celiyay golaha Wakiillada, isagoo amray in lagu sii dhaqmo miisaaniyaddii hore ee sannadkii 2023-kii.

Golaha Wakiillada, ayaa guddi ka kooban 15 xubnood u saaray in arrintan cakiran ee u dhaxaysa Xukuumadda iyo golaha Wakiillada ee la xidhiidha miisaaniyadda ay ka soo talo bixiyaan, kuwaas oo aan illaa iyo hada ka soo saarin wax natiija ah.

 

Golaha Wakiillada, ayaa la sheegay in ay sameeyeen awood dheeraada oo ah qaabka ay wax uga badaleen miisaaniyadda ay xukuumaddu u soo gudbisay, taasi oo ay talaabooyinka ay  qaadeen meelaha qaar khilaafaysay sharciga.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay inay maroorsadeen awooddii xukuumadda uu hoggaamiyo.

Eedeynta Biixi, ayaa timid kadib markii muddo Golaha Wakiillada uu horyaallay miisaaniyadda qaranka oo ay ahayd in ay shaqayso bishii koowaad ee sannadkanba, taasi oo dib u dhac bilooyin ah ku yimid.

Golaha oo hore u ansixiyay miisaaniyadda horraantii bishan, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu dib ugu soo celiyay golaha, kadib markii uu diiday wax ka beddel uu goluhu ku sameeyay miisaaniyadda.

Madaxweyne Biixi, ayaa tilmaamay in goluhu aanu awood u lahayn wax ka beddelka miisaaniyadii dowladdu soo diyaarisay, islamarkaana ay tahay inay sidii hore ku soo meel-mariyaan.

Arrimo dhowr ah ayuu madaxweynaha ku sababeeyay ujeedada uu golaha Wakiillada ugu celiyay miisaaniyaddii ay soo ansixiyeen, taasi oo ay kamid aheyd in goluhu wax ka beddeleen kala mudnaantii miisaaniyadda.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa la sheegay in uu diidan yahay lacago dheeraad ah oo Goluhu dhinacyo kale ay ugu dareen miisaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here