Guddoomiyaha UCID oo Bogaadiyay Joojinta Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya

0
670

Hargeysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa bogaadiyay Barlamaanka dalka UK doodii ay todobaadkii hore ka yeesheen qadiyadda aqoonsiga jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu sheegay in xiligii lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka in askartii geesiyaasha ahaa ee u dhashay Somaliland ay barbar-istaageen dagaalkii Burma boqortooyadda Ingiriiska.

Maadaama oo uu jiro abaalkaasi ay reer Somaliland u galeen Ingiriiska, ayaa Eng. Faysal Cali Waraabe, in waxa uu ugu baaqay UK in iyagana wakhtigan looga baahan yahay hiil intan ka badan.

Guddoomiyaha UCID oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigiisa ee magaaladda Hargaysa, ayaa dhaliilo u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi, iyo xukuumadiisa ba.

Waxaanu ku eedeeyay madaxweyne Biixi, inuu doonayo in marka wakhtiga la doortay uu dhamaado inuu doonayo muddo korodhsi, oo uu xisbiyada meesha ka saaro, kadibna uu lasoo baxo laba xisbi oo uu ka guulaysan-karo.

Eng. Faysal, ayaa madaxweyne Muuse, ugu baaqay in haddii uu diido inuu la tartamo marka wakhtigiisu dhamaado in aanu oggolaan doonin inuu sii fadhiyo kursiga.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu fariin u diray dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in inta xaasidaysa Somaliland oo uu ula jeedo Soomaaliya in ay ku dhintaan xaasidnimadoodda.

Waxaanu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, ku bogaadiyay go’aanka ah in ay joojiyeen wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Hase yeeshee guddoomiyaha UCID waxa uu xusay in guulaha ka imanaya dibadda in aanay ahayn wax ay xukuumaddu ka shaqaysay, balse ay ka soo shaqeeyeen shacabka reer Somaliland.

Dhinaca kale Eng. Faysal, waxa uu shirkiisa jaraa’id kaga hadlay arrimo fara badan oo khuseeya xaaladda guud ee dalkan Somaliland dhinacyadda siyaasadda, dhaqaalaha iyo meello kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here