Kulan Dhexmaray Guddiga Abaaraha Somaliland iyo Hay’addaha Caalamiga

0
710
Guddiga Abaaraha Somaliland
Guddiga Abaaraha Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ay maanta kulan la qaateen Madaxda iyo Masuuliyiinta Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee ka howlgala dalka Somaliland.

Kulankan oo ahaa mid sadex geesood ah, ayaa waxaa uu ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, Waxaana lagaga wadahadlay Abaaraha ba’an ee ku dhuftay dalka Somaliland iyo saamaynta ay ku yeesheen dadka iyo duunyadaba.

Waxaa kale oo kulankan dhexmaray Guddiga Abaaraha Somaliland, Madaxda iyo Masuuliyiinta Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, lagu lafaguray sidii laysaga kaashan lahaa qorshayaasha loogu gurmanayo Dadka Abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Geesta kale, Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo hadal ka jeediyay kulankaasi, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qorshaha loogu gurmanayo dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here