Guddoomiyaha SOLJA Oo Baaq U Diray Saxafiyiin Qaadacay Doorashadiisii

0
465

Hargaysa (HP):  Guddoomiyaha cusub ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  ayaa ugu baaq u diray weriyeyaal tabasho ka muujiyay qaabkii uu u dhacay shirkii lagu doortay guddoomiyaha iyo hogaanka cusub.

Waxaanu sheegay inuu diyaar u yahay inuu ka qanciyo tabashadda ay qabaan weriyeyaashaasi, isla markaana uu mid walba goobtiisa ugu tegi doono.

Saxafiyiinta qaadacay shirkii lagu doortay hogaanka cusub ee SOLJA oo ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ayaa tabashadood ku sababeeyay in shirkaasi ay af-duubatay xukuumadu.

Gaar ahaana waxay ku eedeeyeen wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, inuu gacanta kula jiray qaban qaabadii iyo doorashadii shirkii SOLJA.

Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta warbaahinta Hargaysa kula hadlay waxa uu Carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sidii uu weriyeyaasha saluugsan qaabkii loo doortay uu ka qanciyo waxa ay tabanayaan.

Guddoomiyaha cusub ee SOLJA ayaa u mahad celiyay xubnihii ku doortay shirkii 31-kii bishan lagu doortay isaga iyo xubnaha guddiga fulinta ee ururkaasi.

Geesta kale Sekeriye Axmed Muxumed, waxa uu balan qaaday in mudadda saddexda sanadood ah ee uu xilka hayo inuu si cadaalad iyo dhex-dhexaad ah ugu shaqayn doono qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland iyo saxafiyiintaba.

Halkan Ka Daawo: Hadalka Guddoomiyaha SOLJA:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here