Bisha Cas Oo Qalab Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

0
975

Hargaysa (HP): Haayadda bisha Cas ee Somaliland ayaa maanta wasaaradda caafimaadka Somaliland ku wareejisay qalab caafimaad oo loogu tallo galay xakamaynta faafitaanka caabuqa Coronavirus.

Agabkaasi oo ka kooban 45 kun oo xabadood oo cafuufka (facemask) Afka la gashado ah iyo 20 kun oo xabadood oo Golofisyadda gacmaha la gashado ah.

Waxaana agabkaasi wasaaradda caafimaadka ku wareejiyay guddoomiyaha haayadda bisha Cas ee Somaliland Axmed Cabdi Bakaal.

Iyadoo uu ku wareejiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here