Guddoomiye Baashe Oo Culimadda Ku Dhaliilay In Ay Ka Gaabiyeen Kaalintoodii

0
713

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ku dhaliilay culimaw-diinka dalka in ay ka gaabiyeen doorkoodii ay ku lahaayeen wacyigelinta bulshadda ee ku aadan colaad beeleedka ka taagan Ceel-Afweyn.

Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in culimadu ay u xil saaran yihiin in ay bulshadda ka waaniyaan in qofkii qof dilaa uu qof walaakii ah dilay, isla markaana ninkii qof walaakii ah dilaa uu Cadaab gelayo.

Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa kaloo uu intaas raaciyay in culimadda looga baahan yahay in ay bulshadda dhex maraan oo ay u sheegaan ku dhaqanka shareecadda islaamka.

“ILAAHAY (SWT) waxaan ka baryayaa colaadaha bariga dalka ka taagan, galbeedku wuu iska degan yahaye, in ALLE inaga dul qaado.

Waxaad moodaa in kaalintii culimadu uu maqan yahay, oo aan diintii islaamka lagu dhaqmaynin”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Wakiiladu.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waayo? Dadka wax dilaya ama laynaya, culimadaa u xil saaran in ay waaniyaan, oo ay dadka dhex maraan, oo ay u sheegaan ninkii dhintaa, inuu isagu dhintay.

Walaalkii-na uu dilay, Cadaab-na uu tegayo. Dadka marka la barro in ninkii dhinta Tol iyo qabiil toona aanay wax u tarayaynin”.

Geesta kale guddoomiye Baashe ayaa hambalyo u diray guud ahaanba dadka Somaliland munaasibadda Ciidul-Adxa awgeed, waxaanu  ALLE uga baryay in uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabad qab.

“ILLAAHAY (SWT) waxaan ka baryayaa in uu sanadkan sanadkiisa bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here