Xildhibaan Bidhi: “Lacagtii dayactirka Biriijka Burco ee madaxweynuhu saxeexay Baanka dhexe ayay ku xaniban tahay 3 bilood”…

0
759

Burco (Hargeisa Press.com): Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi, ayaa sheegay in lacagtii loo qoondeeyay in lagu dayactiro Biriijka magaaladda Burco oo roobabkii sanadkan da’ay waxyeeleeyeen ay weli ku xaniban tahay baanka dhexe ee Somaliland.

Xildhibaan Bidhi, waxa uu tilmaamay in lacagtaasi oo dhamayd $500,000 dollar oo markii Biriijku dumay madaxweyne Muuse Biixi saxeexay aan weli lahaynin, isla markaana muddo saddex bilood ah uu biriijkii u dayacan yahay lacagtaasi.

Mubaarig Yuusuf Cilmi, oo ku magac dheer Bidhi oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco waxa kaloo uu sheegay in dhibaato weyn ay ku qabaan xidhnaanshiyaha biriijkaasi dadka iyo gaadiidka magaaladda Burco.

Halkan Hoose Ka Daawo Xildhibaan Bidhi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here