“Madaxweynaha waxaan kula talinayaa waa in heshiis lagu dhameeyo arrinta Caarre iyo”…

0
846

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kula taliyay madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi in uu ku dedaalo sidii uu wax kastaba ugu maarayn lahaa  dhinaca nabadda

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa kula dar-daarmay madaxweyne Biixi in cid kastoo wax tabanaysa  arrinteedda lagu dhameeyo heshiis iyo dariiq nabadeed, maadaama oo uu isuagu taladda dalka ugu sareeyo.

Madaxweynihii hore ee Somaliland oo maanta salaadii Ciidul-Adxa magaaladda Boorama dadweynaha  kula tukaday oo warbaahinta la hadlay  ayaa soo qaaday arrimo ay ka mid yihiin xaaladda colaadeed ee Ceel-Afweyn iyo  arrinta Col. Caare.

Daahir Rayaale, ayaa musiibo iyo wax aan loo baahnayn  oo ku hab-saday dadka degaanka Ceel-Afweyn ku tilmaamay colaad beeleedka degaankaasi ka taagan.

Waxaanu bulshada degaankaasi kula dar-daarmay in ay ka fogaadaan dilka iyo dhibaatadda isla markaana ay walaaloobaan oo ay isa-saamaxaan.

Isagoo ugu horayn ummada Somaliland hambalyo u dirayay kana hadlayay xaaladda guud ee dalka  waxa uu yidhi “Hambalyo baan leeyahay guud ahaanba shacabka Somaliland, ku ciida sanadkan sanadkiisa-na, bash-bash iyo barwaaqo ALLE ha idinku gaadhsiiyo ayaan leeyahay.

Xaaladda dalku horta waa khayr. Khayrka-na ALLE SWT ha u siyaadiyo. Wixii khilaaf ahna hala iska daayo, ee aan dadka waxba u taraynin. Khilaafka ILLAAHAY ayaa inagala dar-daarmay oo ummada waxba uma taro”.

Waxaanu intaas raaciyay in guud ahaanba bulshadda Somaliland looga baahan yahay in ay ka dheeraadaan wax kastoo khilaaf iyo dhibaato dhalin kara.

“Khilaafka hala iska daayo, oo ummadu ha noqoto kuwo isku waaniya Samaha, iskana reeba xumaha.  Talladu waxay leedahay, halaga heshiiyo wax kastoo khilaaf ah oo la isku hayo, ayaan ku talinayaa”ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Geesta kale madaxweynihii hore ee Somaliland mar uu ka hadlayay colaad beeleedka ka taagan degmadda Ceel-Afweyn, waxa uu yidhi “Arrinta Ceel-Afweyn, waa musiibo ummada ku dhacday. Wax loo baahan yahay-na maahayn dagaalkaasi.

Waxaanan kula talinayaa bulshadda reer Ceel-Afweyn, dad walaallo ah ayaad tihiin, ma kala guuraysaan.  Anigu waan aqaanaayoo, degaankaasi.

Mar haddii aydaan kala guuraynin, oo ILLAAHAY (SWT) is-kiin baday,  waa in aad dilka iyo dhagarta uu ILLAAHAY mamnuucay  iska daysaan, oo aad walaalowdaan, oo aad isa-saamaxdaan. Walaahi wax loo baahnaa maahayn”.

Dhinaca kale Daahir Rayaale, ayaa kula taliyay madaxweyne Muuse Biixi in cid kastoo wax tabanaysa  arrinteedda lagu dhameeyo heshiis  iyo wada hadal.

Waxaanu xusay in madaxweynaha looga baahan yahay in khilaaf kastoo jira uu dariiq nabadeed ku dhamaayeo, maadaama oo isugu xukunka dalka ugu sareeyo.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanan ku talinayaa madaxweynaha in Caarre iyo cid kastaba heshiis lagu dhameeyo amuuraha meeshaas ka taagan.

Madaxweynuhu isaga ayaa dalka ugu sareeya, waa in uu wax kastoo uu maarayn karro, oo uu nabadda ku soo dabaali karro, waa in uu nabadda ku soo dabaalaa”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here