“Dal kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu xuduudihiisa ilaaliyo xuduudaha Afrika na…”

0
256

Hargaysa (HP): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ay mar walba ka go’an tahay xaq na ay u leedahay in ay sugto xuduudaheedda.

Waxaanu tilmaamay Eng. Faysal, in xuduudka Somaliland ee dhinaca maamul goboleedka Puntland uu la mid yahay xuduudaha wadamadda kale ee qaaradda Afrika, kuwaasoo dhamaantoodba xuduudkooda ay sameeyeen quwadihii reer Yurub ee gumaysan jiray.

Sidaas darteed na ay jamhuuriyadda Somaliland xaq u leedahay in ay sugto ama ay gaadho xuduudkeedda rasmiga ah, isla markaana aanu jirin wax sharci ah oo diidi karaya.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo maanta waraysi uu xafiiska xisbiga UCID kula yeeshay telefishanka Universal, ayaa waraysigaasi kaga haslay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaaladaha dalka, doorashooyinka, colaadda ay kooxaha Huwantu ka wadaan gobolka Sool, iyo arrimo kale.

Eng. Faysal, isagoo ka warbixinayay u jeedadda socdaal uu dhawaan ku tegay jiida hore ee fadhiisinta ciidanka qaranka JSL ee Oog, isagoo xidhnaa ama ku lebisnaa dirayska ciidanka qaranka Somaliland, waxaanu yidhi  “Ciidamadu ama Oog ha joogeen, ama Tukeraq, waa ciidamadii qaranka. Waa kuwa aynu ku seexano difaacoodda, nabad-geliyadda aynu haysano iyagaa inooga wakiil ah. Tan iyo markii ay bilaabantay qul-quladda Laascaanood, xisbu wuu garb taagnaa ciidamadda qaranka in aanu dhiiri gelino caadadayadda ayay ahayd.

Markii ay Oog yimaadeena waxaanu tusaynay in aanu weli halkii taagan nahay, oo aanu u hayno kal-gacalkii, iyo taageeradii, oo aanu weliba siii laban-laabayno. Waanan dhiiri gelinayay, dibadda iyo gudaha ba anigoo ka wakiil ah ayaan u tegay, markaa waajib nasaaran buu ahaa”.

Eng. Faysal oo la waydiiyay su’aal la xidhiidhay inuu isagu shakhsiyan weligiiba ku doodi jiray in ciidamadda qaranka JSL ay xuduudka dalka si buuxda u sugayaan, bal in imika aragtidiiisii ay wax iska bedeleen iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Dal kastaaba wuxuu xaq u leeyahay inuu xuduudihiisa ilaaliyo. Xuduudda Jabuuti, iyo xuduudda Soomaaliyadii Talyaanigu gumaystay, ta NFD ee Kenya, ta DDS ee Ethiopia, intaba waxaa sameeyay quwadihii reer Yurub, sanadkii 1885-kii, teenu wax ay kaga duwan tahay ma jirto.  

 Taa macnaheedu wuxuu yahay xuduudaha Afrika waxba lagama bedeli karo. Cahdiga ururka midawga Afirkana wuxuu dhigayaa in xuduudihii laga dhaxlay gumaystihii reer Yurub, in ay yihiin muqadas. Markaa xuduudkeenu kuwaas ayuu la mid yahay.

Markaa sharci inoo diidaya xuduudeena in aynu tagno ma jiro” ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga UCID.

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu farriin u diray qurbe joogta reer Somaliland ee dibadda wadanka ku nool, oo uu ugu baaqay in ay difaaca qaranka qaybtooda ka qaataan.

Waxaanu ku guubaabiyay qorbu joogta in ay is abaabulaan, isla markaana dalalka ay joogaan ay gaadhsiiyaan fariinta ah
in aanay jirin wax la yidhaahdo Sool, Sanaag, iyo Cayn, oo Somaliland ka baxsani Somaliland na ay mid tahay.

“Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland ee dibadda jooga, dibadda ayaa laga dilayaa Somaliland oo been la la taagan yahaye, is abaabula, oo waxaad sheegtaan in aanay jirin wax la yidhaahdo Sool, Sanaag, iyo Cayn, oo Somaliland ka baxsani in aanay jirin, Somaliland na waa mid.

Laakiin, xaq baanu u leenahay xuduudkayaga in aanu tagno, waanan tegaynaa insha Allaahu”ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID.


Dhinaca kale guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay go’aamadii gudiga dhex dhexaadinta, taasoo uu sheegay in ay xisbi ahaan hore u soo dhaweeyeen, isla markaana laga heshiiyay khilaafkii ka dhashay arrimaha doorashooyinka.

Sidaas darteedna la inooga baahan yahay in aynu soo celino sharaftii ay lahayd Somaliland, isla markaana la sugo xuduudka dalka.

DAAWO: Waraysiga Guddoomiyaha UCID:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here