Guddida Qabanqaabada Shirweynaha 5-aad Ee SOLJA Oo 3 Xubnood Iska Casishay iyo Wakhtiga Shirka Oo La Cayimay

0
930

news logo HPHargeysa, (HargeisaPress) — Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynahaasi. Guddida oo Shir jaraa’idku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in 20-ka bishan(20/09/2014) oo ku beegan Sabtida soo socota la qabanayo Shirweynahaasi.

Gudoomiyaha Guddida qabanqaabada Shirweynaha SOLJA Maxamed Maxamuud Ilkacase, oo Shir Jaraa’id oo guddidu Hargeysa ku qabatay ka hadlay ayaa sheegay in boqol qof ka qayb galayaan Shirka oo 80 ka mid ahi yihiin Ergada saxaafadda oo iskaga imanaysa Gobolada Dalka.

Maxamed Maxamuud ilkacase waxa uu u soo jeediyay Ergada Shirka ka qayb galaysaa inay u soo diyaar garoobaan ka qayb galka Shirka.

Dhinaca kale saddex ka mid ah 7-da xubnood ee Guddida qabanqaabada oo kala ah Gudoomiye xigeenka Guddida qabanqaabada Shirka Solja Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle ayaa sheegay inay iska casileen Xubinimada guddida ka dib markii sida ay sheegeen xubnaha kale ka leexdeen Dastuurkii Guddida.

“Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.

Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.

Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda xubnood isku casishay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here