Gabiley: Dooxa Agamsaha Oo Beeralaydii Ka Aasay 8 Ceel Biyood Ilaa 50 Ceelna Gabyanadii Ay Ku Fadhiyeen Qaaday + VIDEO+SAWIRO.

0
1045

Dooxa AgamsahaGabiley, (HargeisaPress) — Dooxa Agamsaha Ee Dhinaca Bari Kaga Beegan Degmada Gabiley Ayaa Beeralaydii Deegaankaas Ka Aasay Ceelashii Biyaha Ay Kaga Waraabin Jireen Bustaanada Iyo Xoolaha Waxaana Uu Gabi Ahaanba Daad Awood Wayn Oo Xalay Soo Rogmaday Dhulka La Simay 8 Ceel Biyood Waxaana Uu Halis Galiyay Ilaa 50 Ceel Oo Kale Oo Uu Gabyankii Ay Ku Fadhiyeen Ceelashu Ka Qaaday .

Isku Duwaha Wasaarada Beeraha Ee Gobolka Gabiley Cabdirisaaq Shiine Ayaa Kormeer Ku Tagay Deegankaas Isla Markaana Baaq U Diray Xukuumada Iyo Hay’adaha Samafalka Waxaanu Ugu Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Soo Gaadho Beeralayda Masaakiinta Ah .

Dhanka Kale Beeralayda Deegaanka Agamsaha Ayaa Iyaguna Dhankooda Baaq U Diray Xukuumada Sare Ee Somaliland Iyo Hay’adaha Samafalka Iyagoo Ka Codsaday In Caawimo Degdeg Ah Lala Soo Gaadho Isla Markaana Wax Laga Qabto Dooxa Sii Fiday Ee Soo Gaadhaya Beeraha Isla Markaana Kolba Beer Iyo Ceelasha Qaadaya .

 

Halkan ka Daawo

Wariye Cabdiraxmaan Aadan

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here