Guddida Doorashooyinka Somaliland oo war cusub ka soo saaray arrimaha doorashooyinka

0
1583

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddida komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka war bixiyay habsami u socodka hawlaha u diyaar garowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasadda ee ee loo qorsheeyay inay ka qabsoomaan Somaliland 13 bisha November  ee sannadkan 2024-ka.

Kommishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa waxaa ay sidoo kale ka hadleen nidaamka lagu maamulayo Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada siyaasadda.

Waxaa kale oo Koomiishanka doorashooyinku ay daneeyayaasha doorashooyinka ee dalalka Beesha Caalamka u balanqaadeen in doorashooyinku ay ku qabsoomi doonan wakhtiga loo asteeyay.

Guuddomiyaha guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomidoonaan wakhtigii loo asteeyay oo ah dhamaadka sannadkan aynu ku jirno.

Wuxuu sheegay in ay gacanta ku hayaan 5 milyan oo dollar oo lacagtii doorashada ah, inta hadhayna ay xukuumada isla meel dhigeen sidii loo bixin lahaa, isaga oo sheegay in dhamaan shaqooyinku ay sifiican ugu socdaan.

Sidoo kale, waxaa uu xusay in koomiishanku ay sameeyeen jadwal hawleed, isla markaana doorashada lagu gali doono nidaamka sawirka bu’da isha si loo gaadho daahfurnaan, isagoona sheegay inay balanqaadayaan in nidaamkaasi aanu saacad dib u dhigidoonin doorashada.

Guddoomiyaha guddida Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf, ayaa digniin u diray cidkasta oo faafisa warar aan rasmi ahayn oo kusaabsan hawlaha koomiishanka, waxanu sheegay in wararka rasmiga ah lagala socon karo kali ah boggooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here