Guddida Doorashooyinka Somaliland oo soo gabogabeeyey kulankii qiimeynta ee Doorashooyinkii qabsoomay

0
797

Boorama (Hargeisa Press)- Guddida Doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa maanta magaalada Boorama, ku soo gabgabeeyey kulan dib-u-eegis iyo qiimaynta ahaa ee ku saabsanaa doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranka ee qabsoomay 13-kii bishan November 2024.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Xubnaha Gudidda Doorashooyinka qaranka, Shaqaalaha waaxaha kala duwan ee Doorashooyinka, Madaxda gobolada iyo degmooyinka ee Doorashooyinka iyo Xubnaha Guddida Hawlgelinta Ururrada iyo Xisbiyada (Taskforce) ee ka qaybgalay Doorashadii 13-kii November 2024.

Sidoo kale, waxaa kale oo kulanka qayb ka ahayd Hay’adda Netherland Multiparty Institute for Democracy (NMID).

Kulanka, ayaa diiradda lagu saaray falanqeynta habsami-u-socodkii doorashooyinka, caqabadihii la kulmay, casharradii laga bartay, iyo talooyin ku saabsan horumarinta hannaanka doorashooyinka mustaqbalka ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada Somaliland.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka laga hadlay waxaa ka mid ahaa:-

1.Habsami-u-socodka doorashada: Qiimayn ku saabsan sida habraacyadii iyo qorsheyaashii doorashada loo hirgeliyay.

2.Caqabadihii soo wajahay: Falanqayn lagu sameeyey caqabadihii dhacay iyo talooyin ku saabsan sidii looga hortagi lahaa mustaqbalka.

3.Casharradii laga bartay: Aragtiyo iyo waayo-aragnimo laga helay doorashooyinkii hore, oo lagu hagi karo hawlaha doorashooyinka soo socda.

4.Horumarinta mustaqbalka: Talooyin ku saabsan xoojinta qorsheyaasha iyo hannaanka doorashooyinka si loo helo doorashooyin hufan oo casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here