Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Guddida nabadgelyada ee gobolka Sanaag, ayaa waxaa ay maanta amaro culus ka soo saareen xaaladda guud ee nabadgelyo ee magaalada Ceerigaabo.
Sida ay sheegeen Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse iyo Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag oo warbaahinta si wadajir ah ula hadlay.
Guddoomiyaha iyo Taliyaha, ayaa waxaa ay sheegeen in isu socodka gaadiidka ee magaalada Ceerigaabo la joojiyay laga bilaabo 2-da duhurnimo.
Sidoo kale, waxaa ay ugu baaqeen dadweynaha magaalada Ceerigaabo in ay u hoggaansamaan amarka ka soo baxay Guddida nabadgelyada ee gobolka.
Guddoomiyaha iyo Taliyaha, ayaa waxaa ay ka hadleen xaaladda guud ee nabadgelyo ee gobolka, iyagoona sheegay in ay degan tahay xaaladda magaaladu.
Waxay dhinaca kale sheegeen in ay ciidamaa amniga ee magaaladu ay amar ku qabaan inay qabtaan dadka hubaysan.