Guddida Dib U Habeynta Shaqaalaha Dowladda Somaliland oo Shir Uga Furmay Hargeysa

0
914
Guddida dib u habeynta Shaqaalaha Dowladda Somaliland
Guddida dib u habeynta Shaqaalaha Dowladda Somaliland

Hargeisa (Hargeisa Press)-Guddida heer qaran ee dibu habaynta iyo tayaynta shaqalaha dawladda ayaa maanta magaalada Hargeysa ku yeeshay shirkii saddex bilood laha ahaa ee guddidaasi ay yeelan jirtay.

Shirkaasi waxa kasoo qayb galay wasiirrada wasaaradaha maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil (Baandare), gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Farxaan Aadan Haybe, guddoomiyaha maamul wanaagga Dayib Xaaji Cali iyo mas’uuliyiinta mashruuca Baanka adduunka.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda qorsheynta qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafadhi) oo ah guddoomiye ku xigeenka guddida heer qaran ee dib u habaynta shaqaalahada dawladda ayaa tilmaamay in shirkaas yahay mid dib loogu eegayo waxyaabaha mudan in la eego ee ay ka mid yihiin xubanaha guddida heer qaran ee dib u habeynta shaqaalaha dawladda, sidii loo geli lahaa ajandayaasha yaala iyo sidii loo xalin lahaa caqabadaha ka hor yimi si uu u fulo mashrucaasi.

Waxa kale oo uu wasiir Gaafaadhi ku dheeraaday taabo-gelinta waxyaabihii laga bartay shirarkii hore isla markaana loo gaadhi lahaa yoolka mashruucaasi laga leeyahay, iyada oo waqti habboon la siinaayo shir kasta si wax looga barto.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in la hir-gelinayo xeerarka hawl-gabka iyo sidii shaqaalaha dawladaha hoose ee dalku uga mid noqon lahaayeen shaqaalaha dawladda, taas oo dhawaan lagu bilaabayo shaqaalaha dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa, iyada oo hay’adda shaqaaluhu mas’uul uga tahay guddida heer qaran ee dibu habaynta shaqaalaha dawladda ee dhanka farsamada iyo jaangoynta shaqaalaha.

Wuxuuna intaas ku daray inay kulankan laga doonayaan in dib loogu eego mustaqbalka fog ee mashruucaasi oo ay ansixintiisa leeyihiin guddida heer qaran ee dibu habaynta shaqalaha.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay madaxa mashruuca Baanka adduunka oo ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay muddooyinkii u dambeeyay wuxuuna sheegay inay ugu muhiimsanaayeen liiska shaqaalaha joogtada ah ee dawladda oo ay dibu eegis ku sameeyeen, isaga oo intaas raaciyay inay dhammaystireen wax ka bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha dawladda oo muhiimad weyn u leh shaqaalaha.

Wuxuuna madaxa mashruuca Baanka adduunku sheegay in guud ahaan shaqaalaha wasaaradaha dawladda loo sameeyay faylka shakhsiga ah ee shaqada, isla markaana la dhammaystiray 16 habraac oo lagu maamulayo shaqaalaha dawladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here