Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Oo Ka Bilaabantay Awdal

0
771
Diwaan gelinta codbixiyeyaasha Somaliland
Diwaan gelinta codbixiyeyaasha Somaliland

Boorama (HP): Wejiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabantay gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodijeex.
Taasoo ay kaadhka codbixinta doorashooyinka ku qaadanayaan muwaadiniinta aan hore u haysan.

Sida dadkii wadanka ka maqnaa xiligii la bixinayay, kuwa hadda qaan-gaadhay ee da’da codbixinta iyo dadkii ay berigii hore ka gubteen kaadhadhku.

Waxaana maanta si rasmiya diiwaangelinta codbixiyeyaasha looga bilaabay gobolka Adwal iyo deegaamadda hoos yimaadda.

Iyo sidoo kale degmooyinka Salaxley iyo Baligubadle oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland C/rashiid Riyo raac, oo kormeer ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Awdal ayaa sheegay in ay si habsi ah uga socoto hawsha diiwaangelintu.

Daawo: Riyo Raac Oo Arrimahaas Ka Warbixinaya:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here