Golaha Wakiillada oo la hor-geeyay Xeerka amniga Tiknoolajiyadda iyo dambiyada Internet-ka

0
1079

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka aqalka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa saaka la horgeeyay Xeerka Amniga Tiknoolajiyadda casriga iyo Dembiyadda Internetka.

Fadhigii golaha oo uu shir-guddoomineyay Guddoomiyaha golahaasi Yaasin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa markii uu furmey, waxa uu mudaneyaasha ku wargeliyay in ay dhageysan doonaan warbixin la xidhiidha ahmiyada xeerka amniga Tiknoolajiyadda iyo dembiyadda Tiknoolajiyada casriga, kaasi oo loogu talo galay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka iyo xadgudubyada ka dhaca baraha bulshadu ay ku xidhiidho.

Warbixintan waxa golaha ka hor akhriyay  guddoomiyaha guddi-hoosaadka hawlaha guud iyo  tiknoolajiyada xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahin (Timo-jilic), waxaanu sheegay in xeerkani uu ahmiyad gaara u leeyahay Qaranka, waxaanu sheegay in xeerkani ay siweyn uga wada shaqeeyeen, wasaaradda isgaadhsiinta iyo tiknoolojiyada, guddoonka golaha wakiilada iyo guddida hawlaha guud iyo tiknoolojiyada.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xeerkani uu ka kooban yahay 11 cutub isla markaana ka kooban 71 qodob iyo 85 bog, waxa uu intaas ku daray in wixii ay ku kordhiyeena ay ku qoran yihiin bogga toddobaad ee talo bixinta guddida.

Waxaa uu intaas raaciyay in lifaaqa guddidu uu ka kooban yahay 18 bog, waxaanu caddeeyay in ka guddi ahaan ay wax ka beddel iyo kaabis ku sameeyeen 35 qodob, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku kala yaalaan cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 11-aad.

Guddoomiye Timo-jilic, ayaa sheegay in ahmiyada xeerkani ay ku qotonto qodobka 30-aad ee Dastuurka amniga iyo tiknoolojiyada casriga, ee lagu geli karo gudaha dalka ama dibediisa, waxa uu hoosta ka xariiqey in xeerkani faa’idooyin waa weyn u leeyahay Qaranka, goleyaasha iyo bulshada Somaliland ee u haraadan horumarka.

Gaba-gabadii waxa uu xildhibaanada goleyaasha qaranka, Madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha la-doortayba ka codsaday dooda,  ansixinta iyo dhaqan-gelinta xeerkani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here