Golaha Wakiiladda Oo Dood Ka Yeeshay Xeerka Macdanta

0
576

Hargaysa (HP): Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xeerka Macdanta oo muddooyinkanba golaha hor yaalay.
Inkastoo ay jireen shirkado shisheeye oo sahamin iyo baadhis shiidaal iyo qodista macdanno kale ka sameeyay Somalilabd, hadana ma jirin xeerka macdantu.
Kuwaasoo ay xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland soo maray ay ruqsado u siiyeen hawshaasi.
Doodda xeerka macdanta ayaa loo arkaa mid muhiimadiisa leh, isla markaana aad loogu baahan yahay ansixintiisa.
Maadaama oo ay jiraan shirkado ajaanib ah oo aad u danaynaya in ay sahamin shiidaal iyo macdanno kale ka sameeyaan dalka.
Fadhiga maanta ayaa xildhibaanadii doodda xeerkaasi ka qayb qaatay waxay intoodda badan ka midaysnaayeen in muhiimad weyn la siiyo xeerkaasi.

Daawi: Dooddii xildhibaanadda ee Xeerkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here