Hargeysa, (HargeisaPress) —Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa kalfadhigoodii saaka waxay cod gacan taaga ku meel mariyeen heshiiskii dekeda berbera ee dhawaan ay xukuumaddu usoo gudbisay golaha wakiilada.
Waxaana kalfadhigan saaka kasoo xaadirey 74 xildhibaan oo kamida golaha wakiilada Somaliland, oo uu hogaaminayay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,waxaana kalfadhiga saaka markii ay xildhibaanadu kasoo xadireen golaha uu gudoomiye Cirro ka dhawaajiyay in 9 xildhibaan oo shalay ka maqnaa golahu ay maanta ka doodaan heshiiska balse 9-kii xildhibaan ayaa sheegay inay ka gaabsadeen inay ka doodaan heshiiskan.
Intaasi kadib gudoomiye Cirro ayaa soo jeediyay in xildhibaanadu ay cod gacan taaga ku kala doortaan in la ansixiyo heshiiska iyo in dib loogu celiyo madaxtooyada, waxaanay xildhibaanadu ku raaceen gudoomiyaha in cod gacan taaga la qabto.
Waxaana heshiiskan in la ansixiyo u gacan taagay oo aqbalay 69 xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay diideen isla markaan ay soo jeediyeen in madaxtooyada dib loogu celiyo, gudoomiyuhuna agoobtaasi kamuu codayn.
Waxaana ugu danbayn sidaasi ku ansaxay oo ku meel maaray heshiiskii dekeda berbera ee ay xukuumaddu lasoo saxeexatay shirkada DP World oo laga leeyahay dalka imaaraadka carabta.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP