Golaha Guurtida Somaliland oo Gudi-Labaad U Magacaabay Shaqaaqada Degaanka Cali Saahid

0
1393

Hargeysa (Hargeisa Press)- Shir-guddoonka golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta magacaabay saddex xubnood oo Golluhu ku xoojiyey Guddidii ku maqnaa shaqaadadii Cali Saahid ee Gobolkaas Togdheer.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shir-guddoonka golahaasi waxay magacaabeen saddexdan xubnood oo kala ah Xildhibaan Axmed Daahir Jirde, Xildhibaan Cali Maxamed Huruuse iyo Xildhibaan Daahir Cali Jamac si ay u xoojiyaan Guddidii ka howlgelaysay daminta shaqaaqo ardaayo walaalo ah ku dhexmartay degaanka Cali Saahid ee gobolkaas Togdheer.

Dhinaca kalena, Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa guddi ku wareejiyey xeerka shirkadaha caymiska Dalka, si wax ka beddel iyo kaabis ugu soo sameeyaan xeerkaas, ka dibna gole weynaha dib ugu soo celiyaan.

Geesta kalena, Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay dood ka yeesheen Arrimaha Garsoorka dalka iyo sidii dardargelin loogu samayn lahaa, isla markaasina loo fulin lahaa dacwadaha horyaala maxkamadaha dalka.

Waxaanay mudaneyaashu doodoodaas ku xuseen in xabsigii carruurta sharciga khilaafta dhismihiisu ku dhow yahay dhammaad.

Gabogabadii fadhigaasina Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudaneyaasha golahaas ku wargeliyey in maalinta bari ah golahaas uu hor iman doono, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, waxaanu guddoomiyuhu mudaneyaasha kula dardarmay in wixii su-aalo ay qabaan kaga bogtaan fadhigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here