Hay’adda Dhawrista Tayada oo Bixisay Sumad Tayeedka Warshadaha Dalka

0
801

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta munaasibad u qabatay Shahaado bixinta Sumad Tayeedka warshadaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ay hay’adda Dhawrista Tayada Jamhuuriyadda Somaliland shahaado tayeed guddoonsiisay laba shirkadood oo kala ah shirkadda Biyaha ee Durdur iyo shirkadda Somtuna ee Kalluunka.

Waxaana munaasibadii shahaado tayeedkan lagu bixinaayey kasoo qaybgalay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, xubno ka socday Golaha Wasiirrada, Agaasimeyaal guud, maamulka dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, ganacsato, wershadley iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland iyo Guddoomiyaha hay’addaasi Mukhtaar Maxamed Cali, waxaanay tilmaameen in shaqada ay qaranka u hayaan iyo baahida dalka taalla ay kala weyn yihiin, iyaga oo cadeeyey in hay’addu ay ka shaqayso ilaalinta tayada waxyaalaha ay dadku cunayaan iyo waxyaalaha ay isticmaalayaan.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland waxa ay sheegeen in ay tahay markii kowaad ee la daah furo Sumad Tayeedka warshadaha dalka,iyada oo la qiimaynaayo shirkaddaha dalka ka jira ee wax soo saarka.

Sidoo kale, waxa isna goobta ka hadlay Mahdi Maxamed Cumar oo ah maamulaha shirkadda Biyaha ee DurDur oo ku hadlaayey afka labada shirkadood ee la guddoonsiiyey Sumad Tayeedkan, waxaanu tilmaamay in ay farxad u tahay shirkadaha Durdur iyo Somtuna in ay noqdaan shirkadihii ugu horeeyey ee qaata Sumad Tayeedka dalka.

Waxa iyaguna munaasibadan ka hadlay xubno kamid ah Gollaha Wasiirrada Somaliland, Agaasimeyaal guud, Xildhibaano, Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa iyo xubno kamid ah marti sharaftii kasoo qayb gashay munaasibadan, iyaga oo ku bogaadiyey hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland Sumad Tayeedkan ay guddoonsiisay shirkaddaha wax soo saar ee dalka qaybo kamid ah.

LEAVE A REPLY