Aasaasaha World Remit oo Ka Hadlay Mulkiileyaasha Adeega-Zaadka oo Joojiyay Wada-Shaqayntii Xawaaladaha Dibada

0
1746

“Waxa Aan Umahadcelinayaa Board-ka Telesom Oo Hawshan Dedaal Badan ka Geystay, Sidii Xal Loogu Heli Lahaa, Waxa se Caddaatay in Amarku ka Sarreeyo Iyaga oo Uu Toos Uga Yimid Cabdirahman Sh. Axmed Nuur Jimcaale, Oo ah Inanka Uu Dhalay Aasaasaha Hormuud”Ismaaciil Axmed.

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mulkiilaha Xawaalada World Remit Ismaaciil Axmed ayaa ka hadlay talaabo ay shirkadaha amaba Mulkiilayaasha adeega ZAADKU kuxariyeen kuna joojiyeen wada shaqayntii xawaaladaha lacagaha dibada kazoo diro oo ay ku jirto xawaaladiisu isagoo faah faahin ka bixiyay cida joojisay iyo qorshayaasha ku la aaman amarka joojinta.

Mulkiile ismaciil ayaa qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu kuleeyahay Facebookga kaasi oo udhignaa Sidan;

“Toddobaadkan aynu ku jirno mulkiilayaasha Zaadku waxay xayireen ama joojiyeen in ay la shaqeeyaan xawaaladaha lacagaha ka soo dira dibadda. Adeegyada ay joojiyeen waxa ka mid ah WorldRemit. Xayiraaddan waxa ka dhashay in kumannaan qoys biilashu soo gaadhi waayaan.

Bangiga Dhexe ayaa isaga oo xeerinaya mihiimadda lacagaha xawaaladdu u leeyihiin dhaqaalaha dalka ku amray Telesom inay Zaadka dib ugu furaan xawaaladaha, intaas wixii ka dambeeyana la wada hadlo. Amarkaasi weli muu fulin oo adeegyadii weli way xanniban yihiin.

Dhibaato tan la mid ihi waxay hore ugu dhacday xawaaladda casriga ah ee Transfer Galaxy oo diidday codsi sharci darro ah oo Telesom ula timi. Waxa ay Telesom ka dalbatay in ay kordhiso shirkaddu khidmadda ay ka qaaddo macaamiisheeda.

Muranka u dhexeeya xawaaladaha lacagaha dibadda ka soo dira iyo adeegyada Zaad, EVC Plus iyo eSahal wuxuu bilaabmay markii Hormuud Group ay sameeyeen PaySii. Waxa la doonayaa in ay la wareegto PaySii suuqa lacagaha xawaaladaha Soomaalida dibadda iyada oo Zaadka oo Monopoly ah la isticmaalayo.

Dhanka kale, WorldRemit waxa ay dhawaan jabisay qiimihii adeegga lacag dirista oo ay ka dhigtay 3% dalka Maraykanka. Arrintan ayaa keentay xayiraadda galaafatay WorldRemit, maadaama adeegga lacag diristu ka hooseeyo 5% oo ay PaySii qaaddo.

Waxa aan u mahadcelinayaa Board-ka Telesom oo hawshan dedaal badan ka geystay sidii xal loogu heli lahaa. Waxa se caddaatay in amarku ka sarreeyo iyaga oo uu toos uga yimi Cabdirahman Sh. Axmed Nuur Jimcaale oo ah inanka uu dhalay aasaasaha Hormuud.

Maadaama adeegga Zaadku yahay mid dhaqaalaha Somaliland ku dhisan yahay oo in ka badan 80% GDP-gu uu maro, sharci lagu maamulaana aanu jirin, waxa ka dhashay in dhaqaalaha dalku magan u noqdo mulkiilahan awoodda badan.

Waxay ila tahay in la gaadhay wakhtigii la sameyn lahaa xeer u aqoonsada in Zaadku yahay Monopoly oo aan loo isticmaali karin in lagu waxyeelleeyo suuqa xorta ah ee dalka ka jira. Ma aha in loo maamulo Zaadka sidii dukaan uu nin iska leeyahay.
Fiiro gaar ah:

Lacagta ay WorldRemit u dirto Somaliland waa wax ka yar 1% lacagaha xawaaladaha ee ay u kala dirto waddamada ay ka shaqeyso. Ha se ahaato e, Somaliland ayaa u baahan xawaalad kasta oo dadkeeda dibadda ku maqan ka caawisa in ay si fudud lacag ugu soo diraan.

QORE: MULKIILAHA WORLD REMIT ISMAACIIL AXMED.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here