Itoobiya iyo Kuuriyada Koonfureed oo Kala Saxeexday Heshiis Ku-Kacaya 1 Bilyan

0
1219

Seoul (Hargeisa Press)- Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol, ayaa kala saxeexday heshiis ku kacaya 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Heshiiska laba geesoodka ah ee dhexmaray labada dal, ayaa bartilmaameedsanaya mashaariicda la fulin doono afarta sano ee soo socota.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol, ayaa sidoo kale wada yeeshay wadahadallo ballaadhan oo laba geesood ah oo ay ku jiraan fursadaha dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal.

Heshiiskan qaab-dhismeed maaliyadeed oo dhan 1 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay labada dal ee lagu xoojinayo iskaashiga dhaqaalaha.

Heshiiska, ayaa dhigaya in sahayda maaliyadeed loo qoondeeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, sayniska iyo tignoolajiyada, tayaynta, caafimaadka iyo horumarinta magaalooyinka iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here