Goday (Hargeisa Press): Shirweynaha ururka ONLF aya maalmahanba ka soconaya magaaladda Goday ee gobolka Shabeele ee dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Waa shirweynihii u horeeyay oo ay jabhadda ONLF ku yeelato gudaha dalka Itoobiya muddo ka badan labaatan sanadood.
Shirkan ayaa maanta galay jawi doorasho, iyadoo loo tartamaya cida noqonaysa guddoomiyaha ururka oo ay hadda u sharaxn yihiin laba xubnood.
Waxaana codaynta lagu kala saarayo qofka noqonaya guddoomiyaha ururka kala saaraya ergyo ka kooban 500 ooxubnood.
Sidoo kale waxaa ergooyinka ka mida xubno halgameyaal hore ah oo jabhadda u soo halgamay, balse aan hadda wax xil ah haynin.
C/qaadir Xasan Hirmooge, oo ku magac dheer (Cadaani), waa af-hayeenka ONLF waxa uu ka warbxinayaa goorta la dooranayo guddoomiyaha ururka iyo halka ay hawlaha shirku maryaan.
Waxaanu yidhi, “Maanta waxyaabaha laga hadlayo waxaa ka mida xeerka ururka oo dib loo eegayo, barnaamijka siyaasiga ah ee ururka.
Berito ayay doorashadda guddoomiyuhu dhacaysaa, hadba sida hawluhu deg degaan ayay ku xidhan tahay. Berito subax gelinka hore in ay doorashadda guddoomiyaha ururka cida noqonaysaa ay dhacdo ayaa la filayaa”.
Geesta kale waxaa soo baxaya warar la isla dhex marayo oo sheegaya in xukuumadda degaanka Soomaalidu ay faraha kula jirto hawlaha shirka ONLF ee Goday ka socda.
Hase yeeshee Cadaani Hirmooge, ayaa sheegay in aanay arrintaasi cadayn u haynin, isla markaana ay u baahan tahay in baadhitaan lagu sameeyo.
“Arrintaasi ma cadayn karno. Baadhitaan in aan ku samayno ayay u baahan tahay”ayuu yidhi af-hayeenka ONLF oo maanta la hadlay BBC.
Sidoo kale Cadaani Hirmooge, waxa uu faahfaahin ka bixiyay qaabka lagu kala saarayo xubnaha u tartamaya guddoomiyenimadda ururka.
Waxaanu yidhi, “Waxaa lagu kala saarayaa, soo jeedinta golaha dhexe. Golaha dhexe ayay ku jiraan oo ay ka mid yihiin labadda musharax ee u taagan guddoomiyenimadu”.
Shirkan ayaa ah mid ay ONLF ku doonayso in ay kaga wareegto nidaamkii jabhadnimadda, isla markaana ku noqonayso urur siyaasadeed si ay uga qayb qaadato doorashooyinka la filayo in ay horaanta sanadka soo socda ka dhacaan dalka Itoobiya.
Dhinaca kale ONLF qodobadda aasaasiga u ah halgankeedda waxaa ka mid ahaa in ay degaanka Soomaalida u aragto dad ay gumaysato Itoobiya, hadaba Malaga yaabaa in shirkan wax lagaga bedelo qodobkaasi.
Cadaani Hirmooge, oo arrinataa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Mabaad’iidda jabhadda waxba iskama bedelayaan. Si nabad ah in aan u halgano ayaan qaadanay, oo uu ahaa heshiiskii aanu dawladda Itoobiya wada galnay.
Markaa maanta Itoobiya waxaa ka furan in qolo waliba siday rabto ay u halganto. Markaa waxba lagama bedelayo barnaamijka siyaasadeed ee ururka”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.