Soomaaliya: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Degmadda Bardaale

0
648

Berdaale (Hargeisa Press): Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday degmada Berdaale ee gobolka Baay degmadaasoo ay waxyeeleeyeen Daadad ka dhashay roobab dhawaan ka da’ay.

Xasan Cali Khayre,  ayaa u kuur galay xaaladda dadka fatahaaduhu saameeyeen iyo sida loo wado hawlaha loogu gurmanayo.

Waxaanu ra’iisal wasaaruhu tegay goobaha ay ku suganyihiin qoysaska ka barakacay fatahaadaha ayaa dadkii uu la kulmay u muujiyay sida dawladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay garab istaagidda dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha.

Geesta kale madaxweynaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa Ra’iisul Wasaarahaha uga warbixiyay sida wax u socdaan iyo xaaladda deegaanka guud ahaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha qeybta ka qaatay dadaallada gurmadka, ayaa ku bogaadiyay howsha wadajirka ah ee wadaan hey’adaha gargaarka ee gudaha.

Kuwa heer caalami, guddiga gurmadka fatahaadaha iyo dhammaan inta ku howlahan samata bixinta dhibbanayaasha fatahaadaha.

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo gudanaya waajibaadka ka saaran badbaadinta dadka fatahaaduhu saameeyeen ayaa degmada Berdaale gaarsiiyay shan diyaaradood oo gargaar ah.

Waxaanu Ra’iisul Wasaaruhu guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka ay wadaan.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa wada qorshe xal waara looga gaarayo fatahaadaha soo laalaabta ee dhibaatada badan ku haya qeybo kamid ah goballada dalka.

Waxaana dhawaan la soo saarayaa siyaasad cad oo lagu wajahayo fatahaadaha webiyadda iyo Daadadka ee inta badan dhibaateeya bulshadda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here