Culimadda Qaadiriya Oo Xoolo Nool Ku Caawiyay Cusbitaalka Hargaysa

0
614

Hargaysa (Hargeisa Press): Maanta oo bisha Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadka 1441-ka, waxaa sida caadiga ah inta badan wadamadda islaamka laga xusaa dhalashadii Nebi Muxamed N.N.K.H.

Waxaana munaasibado dhalashadda Nebigeeni Muxamed SCW lagu qabtay magaalooyin kala duwan ee goboladdda iyo degmooyinka dalka Somaliland.

Iyadoo laga duulayo waynaynta maalintaasi ayaa culimadda Qaadiriya gaar ahaana maqaamka C/qaadir Jiilaani, ee magaaladda  Hargaysa ayaa caawimo xool nool ah gaadhsiiyay qayb Dhimirka ee cusbitaalka ee magaaladda Hargaysa.

Xoolahaasi oo ahaa Adhi ayaa loo Gawracay dadka Maskaxda ka buka ee ku jira cusbitaalka Dhimirka ee Hargaysa, kuwaasoo isla maantaba loo qalay.

Sheekh C/wahaab Jaamac Faarax, oo ah guddoomiyaha guddiga Majmaca culimad-diinka Qaadiriya ee Hargaysa, ayaa sheegay in xoolahan ay uga dan leeyihiin sidii loogu Qali lahaa dadka bukaanka ah ee dhakhtarka ku jira.

Kuwaasoo uu tilmaamay in ay yihiin dad mudan in la soo caawiyo, isla markaana wax lagu soo taro.

Geesta kale ka waramay Sheekh C/wahaab Jaamac Faarax, ayaa u duceeyay dadka bukaanka ah ku jira qaybta Dhimirka ee cusbitaalka Hargaysa, oo ALLE uga baryay in uu caafimaad siiyo.

Geesta kale masuuliyiinta qaybta Dhimirka ee cusbitaalka Hargaysa ayaa culimaddda Qaadiriya uga mahad celiyay xoolaha nool ee ay ku soo caawiyeen dadka bukaanka ah.

Daawo Hadaladii Culimadda Qaadiriya iyo Masuuliyiinta Cusbitaalka Dhimirka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here