Hargeysa, (HargeisaPress) —Xulka Kubada Cagta ee Gobolka Awdal ayaa maanta ku guuleystay tartankii Gobolada Ciyaaraha Kubada Cagta, waxaa ay ka Badiyeen gobolka Saaxil oo ay kaga adkaadeen 2:1.
Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo ciyaartaasi ka qaybgalay ayaa Koobka Gudoonsiiyay Ciyaartoyda Gobolka Awdal.
Dhinaca kale, Ciyaarta Kubada Koleyga oo xalley lagu soo gabagabeeyay Garoonka Timacade ee Magaalada Hargeysa waxaa ku guuleystay Gobolka Saaxil oo ka badiyay Dhigiisa Gabiley.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
Follow us on Instagram: @Hargeisapress
Follow us on Twitter: @HargeisaP