Go’aamo Culus Oo Laga Soo Saaray Shaqaaqadda Ceel-Afweyn

0
208

Ceel-Afweyn (HP): Maamulka gobolka Sanaag maamulka degmadda Ceel-afweyn iyo Saraakiisha Ciidamada Qaranka JSL ayaa maanta go’aamo ka soo saaray shaqaaqadii ka dhacday degmadda Ceel-afwayn.

Awaamiirtaasi oo wax lagaga qabanayo cid kastoo loo arko fidno wale, iyo in ay amniga iyo xasiloonida degmadda Ceel-afweyn ay dhibaato ku hayso.

Waxaana awaamiirtaasi ka mid ah in ciidamadda qaranka amar lagu siiyay in ay tallaabo ka qaadaan qofkii ama kooxdii lagu arko iyagoo wata nooc kastoo hubka ka mid ah.

Sidoo kale go’aamadan ay soo saareen maamulka gobolka, ka degmadda, iyo ciidamadu in qofkii dhibaato u gaystay Askari ka tirsan ciidamadda in ehelkiisa, iyo odayaashii loo raacayo, halka qofka ka hor yimaadda awaamiirtaasi ee ay ciidamadu tallaabo ka qaadaan aanay jirin cid loo raacayaa.

Awaamiirtaasi waxaa warbaahinta uga warbixiyay badhasaabka gobolka Sanaag, guddoomiyaha degmadda Ceel-Afweyn, maayar ku-xigeenka degmadaasi, iyo Taliyaha hogaaminaya ciidamadda qaranka ee deminta shaqaaqada beelaha u tegay Ceel-Afweyn, Gaashaanle sare Baashe Fanax.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse, ayaa isna ugu baaqay madax dhaqameedka, iyo odayaasha labadda dhinac in ay la shaqeeyaan maamulka gobolka, ka degmadda, iyo ciidamadda qarankaba.

Waxaanu odayaasha degaankaasi ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii hawsha colaadeed ee Ceel-Afweyn ka taagan loo soo af-jari lahaa, isla markaana ay iyagu qaybta ugu weyn ka qaataan.

Badhasaabka ayaa tilmaamay in tallaabo laga qaadi doono cidii la arko isagoo hub wata nooc kastoo uu yahay ba.

Waxaanu yidhi “Waxaan Carrabka ku adkaynayaa in tallaabo laga qaadi doono cid kastoo lagu arko Hub, nooc kastoo uu yahay ba. Mid garrabka lagu qaato, mid gawaadhi la saarro, iyo mid kaleba, ciidamadu waxay amar u haystaan in ay tallaabadda sharciga ah ka qaadaan.

Waxaanu ummada Somaliland oo dhan, iyo goleyaasha qaranka ba aanu markhaati uga dhigaynaa, in aan cidnaba loo raacaynin qofkii ay ciidamadu qabtaan isagoo falalka awaamiirta laga soo saaray gacmaha kula jira”.

Axmed Cabdi Muuse, waxa kaloo uu sheegay in dadka caadaystay in ay wxyeelo u gaystaan ciidamadda qaranka in loo xidh-xidhayo ehelkooda, waayeelkoodda, iyo cuqaashoodda.

“Waxaa la caadaystay in maalim walba ciidamadda qaranka maalin walba waxyeelo loo gaysto, oo Rasaas nool la la dhaco, iyagoo amaanka oo ay sugaan mooyee aan wax kale halkan u joogin.

Waxaanu leenahay cid walboo arrintaa ku kacda, waxaa u xidh-xidhmaya ehelkooda, waayeelkoodda, iyo cuqaashoodda, tallaabo qaloocan ninkii ki eegga ciidanka” ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.

Taliyaha hogaaminaya ciidamadda qaranka ee deminta shaqaaqada beelaha u tegay Ceel-Afweyn, Gaashaanle sare Baashe Fanax, oo isna halkaa waxa uu sheegay in ciidamadda qaranku ay amar ku haystaan in qofkii shacab ah ee Qori sita in ay ka qaadaan, haddii uu dhiibi waayana in ay ku dillaan.

Taliye Baashe Fanax, ayaa ugu baaqay dadweynaha degmadda Ceel-Afweyn in ay la shaqeeyaan, isla markaana ay ciidanka qaranka ee amaanka sugaya garab is-taagaan.

Sidoo kale waxa uu Baashe Fanax, baaq u diray bulshadii deganayd Ceel-Afweyn ee magaaladda ka qaxay maalmihii ay rebshaduhu socdeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodda, amaankooda na ay ka masuul yihiin ciidamadda qaranku.

Waxa kaloo uu taliye Baashe, ka codsaday odayaasha, iyo waxgaradka labadda beelood in ay la shaqeeyaan ciidamadda qaranka ee hawlaha nabad-geliyadda magaaladda sugaya.

Geesta kale guddoomiyaha degmadda Ceel-Afweyn, ayaa sidoo kale farray madax dhaqameedka, waayeelka, iyo waxgaradka labadda beelood ee shaqaadadu dhex martay in ay ciidamadda qaranka ku gacan siiyaan hawl-galadan ay fulinayaan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag maamulka degmadda Ceel-afweyn iyo Saraakiisha ciidamada qaranka ayaa maanta go’aamo culus ka soo saaray shaqaaqadii ka dhacday degmadda Ceel-afweyn.

Dhinaca kale Maxamed Aadan Digaale, guddoomiyaha degmadda Ceel-Afweyn, in aanay jirin wax ciidan beeleedyo ah oo is hor fadhiya, isla markaana ay maanta magaaladda iyo nawaaxigeedaba ay xaaladu degan tahay.

Waxaanu u mahad celiyay qaybaha kala duwan ee ciidamadda dawladda oo sugay amaanka degmadda, isagoona ku wargeliyay bulshadda degmadda Ceel-Afweyn, in ciidanka qaranku uu tallaabo ka qaadayo cid kastoo Qori sidata.

Guddoomiyaha Ceel-Afweyn, waxa kaloo uu sheegay in ay ciidamadu hawl-gallo ka fulin doonaan guud ahaanba degmadda Ceel-Afweyn, xataa dhulka baadiyaha ah, isla markaana qofkii isagoo Qori sita ay ciidanku tallaabo ka qaadaan in aanay jirin wax loo raacayaa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here