Agaasimaha W. Deegaanka JSL Oo Kulan La Yeeshay Haayadda Pharo Foundation

0
191

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiil ka socday haayadda Pharo Foundation.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Deegaanka JSL ee Hargaysa, waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradaasi.

Haayadda Pharo Foundation ayaa ka mid ah haayadaha caalamiga ah ee ka hawl galla Somaliland ee ay wada shaqaynta dhaw leeyihiin wasaaradda Deegaanka JSL.

Kulankani ayaa ujeedadiisa lagu tilmaamay in ay ku saabsanayd in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa labada dhinac.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadley arrimaha la xidhiidha ilaalinta Deegaanka, la qabsiga Isbedelka Cimilada iyo sidii Istaraatiijiyada haayada Pharo ee shant sanno ee soo socdaa ay u noqon lahayd mid deegaanka waxtaraysa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka Somaliland ayaa masuuliyiinta ka socday Pharo Foundation uga warbixiyay qorsheyaasha wasaaradda ee ku aadan wax ka qabashadda deegaanka.

Isagoo na u sharaxay qodobadda ay wasaarad ahaan ka duulayaan, iyo sida ay muhiimadda u kala siinayaan arrimaha wax ka qabashadda deegaanka, iyo la qabsiga isbedelka cimiladda.

Dhankoodda saraakiisha ka socday haayadda Praro Foundation ayaa agaasimaha guud uga mahad celiyay sida fiican ee uu xogta, iyo warbixinta uga siiyay qorsheyaasha iyo dedaaladda ay wasaaradu waddo.

Isku soo wada duuboo kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, oo ay labadda dhinac isla qaateen in la sii xoojiyo arrimaha ay ka wada shaqeeyaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here