Bangiga Dhexe Ee JSL Oo Ku Mashquulay Lacago Dibadda Lagu Soo Daabacayo

0
207

Hargaysa (HP): Qiime dhaca xad-dhaafka ah ee ku yimid shilinka SL waa mid u baahan in ay dawladdu si deg deg ah wax uga qabato, si looga baaqsado burbur dhaqaale.

Shilinka suuqa wareegaya oo xaddigiisu ka batay mid suuqu qaadi karo ayaa keenay in qiimihiisu hoos u dhaco. Ka sakow hoos u dhaca dhaqaale ee colaaduhu sababeen, waxa hoos u dhaca qiimaha shilinku ka dhashay:

1. Bangiga Dhexe oo joojiyey tallaabooyinkii lagu xoojin jiray shilinka ee doollarka suuqa lagu gelin jiray.

2. Bangiga Dhexe oo lacago ka badan tii daabacnayd qaab digital ah suuqa u soo geliyey.

3. Bangiga Dhexe oo ku mashquulay lacago kale oo dibadda lagu soo daabacayo, taasi oo hoos u dhigtay kalsoonidii shilinka lagu qabay.

4. Farsamada is-xambaarka ah ee 100-ka doolar la raaciyo lacagta ka yar boqolka marka wax la iibsanayo ayaa aad u soo korodhay, taasi oo keentay in isticmaalka iyo baahida shilinku hoos u dhacdo.

Guud ahaan, duruufo adag oo mar qudha isku soo wada beegmay ayaa keenay xaaladda werwerka leh ee ka jirta suuqa sarrifka. Qiime dhacan shilinku waxa uu si gaar ah u dhaawacayaa shaqaalaha dawladda, dadka saboolka ah iyo reer miyiga oo iyaga dakhligoodu yahay shilinka SL.

Dadka dakhligoodu yahay doollarka ee hantida leh ama dibadda lacag looga soo diraa way ka madaxbannaan yihiin shilinka SL ee sida qaldan loo maamulo. Waxa khalkhalkan sarrifka si gaar ah uga faa’iiday shirkadaha waaweyn ee gacan saarka la leh Bangiga Dhexe.

Waxa aan ku talinayaa:

1. In si degdeg ah Bangiga Dhexe u bilaabo lacagihii doollarka ahaa ee shilinka dheeraadka ah suuqa lagaga soo iibin jiray.

2. In dhawrka malyuun ee doollar ee lacagta cusub lagu soo daabacayo loo isticmaalo in lacagaha dheeraadka ah ee suuqa wareegaya lagu soo iibsado.

3. In la laalo xeer hoosaadka fasaxaya in maamulka Bangiga Dhexe qaataan khidmad 2.5% ah markasta oo ay lacag soo daabacaan oo bangigu “faa’iido” helo. Tani waxay ka mid tahay waxyaabaha dhiirrigeliya lacagaha la daabaco.

4. In la joojiyo lacagaha deymaha ah ee Bangiga Dhexe siiyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo badankoodu doolar lagu beddelo marka gaadiid ama qalab lagu iibsado.

5. In la baadho sababta dhalisay iyo cidda fasaxday kala badashada lacagta shilinka ah ee wareegaysa iyo kuwa daabacan. Lacagaha shilinka ah ee daabacan waxa lagu qiyaasaa ilaa $30 malyuun, laakiinse lacagaha wareegayaa aad ayey uga badan yihiin intaa.

Ma Bangiga Dhexe oo keliya ayaa arrintan ka masuul ah mise wax kale ayaa jira?

W/Q: Ismaaciil Axmed

Mulkiilaha Shirkadda World Remit.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here