General Jidhif iyo Siyaasi Maxamed Xaashi oo Geeriyooday

0
2281

Hargeysa (Hargeisa Press)- Alle ha u naxariistee waxaa dalalka Somaliland iyo Sacuudiga ku kala geeriyooday, General Maxamed Xasan Cabdillaahi Jidhif oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo ahaa wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland.

Genetral Jidhif, wuxu galabta ku Geeriyooday Cusbitaalka gaarka loo leeyahay ee International oo ku yaal Koonfurta Magaalada Hargeysa, halkaas oo xaalad caafimaad loo geeyay. Sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelada Marxuumka.

Allah haw naxariistee Marxuumka, ayaa ka mid ahaa halgamayaashiii hoggaaminayay dagaaladii ururkii hubaysnaa ee SNM la galeen Taliskii digtaytarka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre intii u dhaxaysay sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii.

General Jidhif, ayaa ka mid ahaa saraakiisha tirada yar ee SNM ee ay sida gaarka ah u xuseen kuwii kasoo horjeeday, iyagoo qiray doorkiisii geesinimada.

Sidoo kale, General Maxamed Jidhif. Wuxuu door weyn ku lahaa dhismihii nabadaynta iyo yagleelida qaranka, isagoo door weyn oo taariikhi ah ku lahaa aasaaskii iyo bud-dhigii ciidanka Booliska Somaliland.

Geesta kale, Geeri kale oo naxdin ah, ayaa laga soo sheegay dhanka dalka Boqortooyadda Sacuudiga, iyadoo Cusbitaal ku yaal dalkaa uu ku geeriyooday Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo soo noqday Wasiirka Maaliyadda Somaliland xilligii Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kalena Wasiirka Ganacsiga iyo Dekeddaha kasoo noqday Xukuumaddii Daahir Rayaale.

Maxamed Xaashi oo sidoo kale xilligii dhawr iyo sagaashankii noqday Maayarka Caasimadda Hargeysa, ayaa ka mid ahaa haldoorkii kaalinta ku lahaa ku dhawaaqistii Ururkii SNM, kaddib markii isaga iyo siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale kaga dhawaaqeen London sideetanaadkii, wuxuuna Ururka SNM, dagaal qadhaadh la galay xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Sidoo kale, Maxamed Xaashi, ayaa xilal ka soo qabtay Ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM, kaas oo markii uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland xoreeyay uu marxuumku ka qaybgalay dhismihiisa, isagoo kaalmo kala duwan ka ciyaaray siyaasadda iyo dib u dhiska dalka, isla markaana xilala kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii kala danbeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here