Golaha Guurtida oo Loo Qaybiyay Xeerka Isa-saarka Doorashooyinka

0
919

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland, ayaa saaka loo qaybiyay xeerarkii Doorashooyinka isa saarka ah ee kuwaasi oo kla ah xeerka guud ee Doorashooyinka xeer no/14 iyo wax ka badelka iyo kaabista xeerka ururada xeer no/91 kaasi oo dhawaan golaha Wakiillada ansixiyeen, islamarkaasina u soo gudbiyeen golaha Guurtida.

Fadhigii saaka ee mudanayaasha Guurtida oo uu Gudoomiayay Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa mudanayaasha faray in ay soo akhriyaan xeerarkan, kana soo baaran dagaan si loo bilaabo ka doodista iyo ansixinta xeerarkani.

Mudanayaasha golaha Guurtida, ayaa la filayaa in ay guda galaan xeerarkani todobaadka fooda inagu soo haya, iyada oo ay bulshada Somaliland si gaar ah isha ugu hayaan waxa ay ka yeeli doonaa xeerarkaasi Xildhibaanada guurtidu.

Golaha Guurtida, ayaa shalay u xidhmay ama hawshiisa u gudan kari waayay kadib markii ay soo xaadiri waayeen xildhibaano badan oo iska maqnaaday isla markaasina uu buuxsami waayay kooramkii loogu talogalay inay ku fadhiistaanmudanayaashu.

Guuda ahaan bulshada reer Somaliland, ayaa aad ugu dhag taagaya ansixinta xeerkan is barkan ee Doorashooyinka, kaasi oo intii aanu ka soo gudbin golaha wakiillada hakad galay, muran badanina ka dhashay, iyada oo la filayo inuu xal iyo dawo u noqdo muranada siyaasiga ah ee dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here