Maxay Ka Wadahadleen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Taliyeyaasha Ciidamadu?

0
1460

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa waxaa uu kulan balaadhan la yeeshay la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee dalka.

Kulan oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Guddida Heer Wasiir ee Hanaanka Xog-wadaaga Dowladda (Government Information Desk Committee).

Waxaana kulanka lagaga wadahadlay sida ugu haboon ee loo adkayn lahaa wadashaqaynta  hay’addaha dowladda iyo sidii shacabka Somaaliland ugu midoobi lahaayeen adkaynta nabadda.

Mudadii shirku socday, ayaa sidoo kale lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee dalka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka amni-darro ee ay maleegayaan kooxaha ka soo horjeeda qarannimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here