Garsoore Axmed Dalmar iyo Marwadiisa Garyaqaanad Malyuun Faarax Meherkii aan loo kala hadhin oo Kulmiyay Bahda Cadaalada iyo Garsoorka. + SAWIRRO

0
766

HargeisaPress — Waxaan Hambalyo iyo Duco u dirayaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hargeysa Garsoore Axmed Dalmar iyo Marwadiisa Garyaqaanad Malyuun Faarax Muuse oo ka tirsan Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka. Waxaan Allah uga baryayaa inuu ka dhigo Lamaanihii isku badhaadha ee uu Allah Ubad Khayr qaba kala siiyo. Aamiin…Aamiin

mehe dal

 

Meherkan Qiimaha badnaa waxa kasoo qayb galay Madax tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaalada Mudane Axmed Cadarre, Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof. Aadan Xaaji Cali, Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aaden, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Kayser Cabdillaahi Maxamed iyo Xildhibaano iyo wasiirro, Salaadiin iyo dadweyne aad u tiro badan. Waxaana madasha laga sheegay Kaalinta Sare ee Garsoore Dalmar iyo Marwadiisa iyo dhalinta kale ee guud ahaan Bahda Cadaaladu ay ka qaateen horumarinta Cadaalada. Inkasta oo Madashu ay ahayd Madal Meher, hadana waxa qof kasta oo hadlay uu u duceeyay oo ay qireen isbedelka fiican ee ku yimi Maxkamadaha iyo guud ahaan Garsoorka intii uu Xilka qabtay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof. Aadan Xaaji Cali.

meherkii Dalm 2

Mar kale Waxaan Allah uga baryayaa inuu Mudane Dalmar iyo Marwo Malyuun uu ka dhigo kuwii isku waara ee Ubad Khayr qaba kala hela. Aamiin

…………………………………………………………………………………………….

Dhamaan Bahda  HargeisaPress.com oo kala ah Shiine Cilmi Kaahin, Mohamed Cabdiraxmaan Yaasiin(Mohamed Carab), Mahad Kadleye, Cumar C/Risaaq Cali, Xuseen Maxamuud Maygag. Sabaax Cabdi Aadan, Guled Iman Muxumed.Dhamaan dadkaasi Waxay Hambalyo bogaadin aan la soo koobi karin hawda u marinayan Boqorka iyo boqorada Garsoore Axmed Dalmar iyo Marwadiisa Garyaqaanad Malyuun Faarax Muuse Meherkoodu ka dhacay Hargeiysa.

meherkii dalmar

waxaanay leeyihiin, Gacal iyo sokeeyaba Guurkiina lagu Farax, aqalgalkiina ku gaadha bash bash iyo barwaaqo, noqdana kuwii isku waara, awlaad khayr qabtana kala hela.

AAMIIN……AAAMIIN…..AAAMIIN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here