“Garraadadda Sool aabeyaashood waxay ahaayeen raggii Somaliland dhidibadda u taagay…”

0
466

Hargaysa (HP): Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay in nabad geliyo lagu soo dabaallo xaaladda ka taagan gobolka Sool.

Waxaanu tilmaamay in ay mar kastaba diyaar u yihiin in colaadda Sool soo af-jarideedda gacmaha la isku wada qabsado dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland gaar ahaana madax dhaqameedka, Garraadada, dhalinyaradda, iyo aqoon yahanka ka soo jeedda gobolka Sool.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xusay im madax dhaqameedka reer Sool ay door weyn ka soo qaateen dhismaha Somaliland ilaa markii ay xornimadda ka qaadanaysay gumaystihii Ingiriiska, iyo dib u heshiisiintii beelaha xiligii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.

Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dheeraaday taariikh ahaan kaalintii Garraadadda reer Sool, ay ku lahaayeen Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo hadal ka jeediyay xaflad soo dhawayn ahayd oo magaaladda Hargaysa loogu qabtay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Carrabka ku adkeeyay in ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii arrinta gobolka Sool nabad-geliyo loogu soo dabaali lahaa.

Waxaanu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Sool in ay xalinta colaadda Sool xukuumadda ku gacan siiyaan.

Geesta kale wasiir Maxamed Kaahin, ayaa guud ahaanba dhalinyaradda reer Somaliland kula dar-daarmay in ay doorkoodda ka qaataan arrimaha nabad-geliyadda dalka.

Waxaanu dhalinyarada ugu hogo-tusaaleeyay in iyagu mar kasta hormood ka yihiin horumarinta dalkoodda, sidoo kalena marka ay dagaaladu dhacaan in dadka ugu badan ee ku dhintaa ay yihiin dhalinyaradda.

Sidaas darteedna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan mustaqbalkoodda, isla markaana ay ka fogaadaan qabyaaladda, iyo wax kastoo aan faa’iido u lahayn horumarka dalka, iyo mustaqbalkooda ba.


Dhinaca kale wasiirka Daakhiliga JSL ayaa ka sheekeeyay doorkii shariifka ahaa iyo taariikhdii uu dib u dhiska Somaliland ka soo qaatay guddoomiyaha cusub ee golaha Wakiiladda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, isagoona ku amaanay in xili lagu jiray marxalado adag inuu Faratoon, ka soo shaqeeyay dhismaha qaran-nimadda JSL.

Sidoo kalena uu hadda ku rejo weyn yahay inuu kaalin aad u weyn ka qaadan doono sidii nabad-geliyo loogu soo dabaali lahaa colaadda ka taagan gobolka Sool, isla markaana xukuumadda Somaliland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu in ay arrintaa gavan ku siiyaan.

DAAWO: Khudbadii Wasiir Maxamed Kaahin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here