Ganacsatadii Keeni Jiray Shidaalka oo Laga Joojiyay In Ay Shidaal Ku Shubtaan Haamaha Berbera

0
1151

Berbera (Hargeisa Press)– Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay Ganacsatada Shidaalka keenta ka joojisay in ay Shidaal ku shubtaan Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera.

Waxa ay Xukuumadu sheegtay in Bishan fooda inaga soo haysa iyo bishan gabaabsiga ah aanay Shirkadaha Shidaalku awood u lahayn in ay dalka keenaan Shidaal, maadaama ay buuxaan kaydkii Haamaha Shidalka Berbera.

Sidaasna waxaa lagu sheegay qoraal wargelin ah oo lagu socodsiiyay Shirkadaha soo dejiya Shidaalka taasi oo uu soo saaray Maareeyahay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Xasan Axmed Embesy.

Hoos ka akhriso warqada amarka 

Hargeisa Press.com/Berbera Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here