Xukuumada Somaliland oo Joojisay Tababbar Uu Sheekh Caan Ahi Ku Qaban Lahaa Hargeysa

0
678

Hargeisa (Hargeisa Press) – Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa xaqiijiyey in Dawlad ahaan ay joojiyeen Tababbar ku saabsanaa Xidhiidhka Lamaanaha is-qaba, kaasi oo Sheekha Caanka ah ee Maxamed Idiris doonayey inuu ku qabto Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Ma Jirto wax Muxaadarro ah oo aanu joojinay, laakiin wax loogu yeedhay Tababbar ayaanu Anagu joojinay, Tababbarro aanay Dawladdu ogayna in laga furo Magaalada ma haboona, Qofna doonaya inuu Cid tababbar u furo waa inuu soo maraa laamaha Dawladda ee ay khusayso..”

Tababbarkan Sheekhu doonayey inuu Hargeysa ku qabto ayaa lagu geli lahaa lacag dhan 10 dollar.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY