Sheekh Maxamed Idiris oo Iskaga Dhoofay Hargeysa iyo Sababta

0
1678

Hargeisa (Hargeisa Press)- Sheekh Maxamed Idiris, ayaa galabta ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa, kadib markii xukuumadda Somaliland ka joojisay tababar aqooneed oo lacag lagu galayey oo ku saabsanaa farxadda Lamaanaha  oo uu ku qabanayey magaaladda Hargeysa.

Waxaana Sidaasi sheegay mid ka mid ah dhalinyarada tababarkaasi qaban qaabinaysay oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay.

Masuulkaasi ayaa Sidoo kale wuxuu sheegay in aan xukuumadda Somaliland ku khasbin sheekaasi in uu waddanka ka baxo balse uu isagu iskii isaga baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Maxamed Idiris ayaa marar badan booqasho ku yimid Somaliland,isla markaana qoraalo ka qorey amniga iyo horumarka ka jirta Somaliland oo uu ku amaanayo, haseyeeshee intii uu shaaciyey tobabarka farxadda lamaanayasha oo uu ku qabanayey magaalada Hargeysa oo toban dollar lagu galaey ayaa dad faro badan oo ka soo horjeeda wadaadka soo bandhigeen goob fagaare ah oo uu kaga hadlayo midnimada Soomaaliya.

Kuwaas oo wadaadka ku eedeeyey in aanu qaranimada Somaliland aaminsanayn, taas ayaana loo malaynayaa inay sababtay in la joojiyo tobabarkii uu waday.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here