Gabiley: Siyaasi Faysal Qumuj Oo Afur iyo Casho U Sameeyay Masuuliyiin

0
467

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka qayb galay munaasibad afur iyo casho ahayd oo xalay lagu qabtay magaaladda Gabiley.

Munaasibadaasi waxaa fidiyay Faysal Cumar Madar, oo ah xubin sare oo ka tirsan golaha sare ee xisbiga Kulmiye.
Xafladan afurka iyo cashada isugu jirtay ayaa lagu gorfeeyay dar-dar gelinta hawlaha hortebinta leh ee xisbiga Kulmiye.
Si gaara xoojinta iyo isku xidhka shaqada golaha fulinta ee heer qaran iuo heer gobol.

Badhasaabka Gabiley oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa Faysal Cumar Madar, uga mahad celiyay casuumaddaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here