Gabiley iyo Degaamo Hoos Yimaadda oo Laga Buufiyay Kaneecadda Xumadda Dhalisa

0
511

Gabiley (Hargeisa Press)- Magaaladda Gabiley iyo deegaamo kale oo hoos yimaadda gobolka Gabiley ayaa laga fuliyay buufinta Kaneecada xanuunka Xumadda dhalisa.

Hawl galkaasi buufinta Kaneecada oo ay fuliyeen kooxo ka kala socday wasaarradaha caafimaadka Somaliland iyo wasaarada beeraha.

Waxaana hawl galkaasi laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee gudaha magaaladda Gabiley, iyo degmadda Tog-wajaale, iyo meello kale.

Sidoo kale, waxaa hawshan buufinta Kaneecadda kooxahaasi buufinayay ku hogaaminayay badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo masuuliyiinta degmadda Gabiley.

Kooxda ka socotay wasaaradda caafimaadka waxaa hogaaminayay Dr. C/wahaab Nakruuma, oo ka mida dhakhaatiirta ka hawl gala wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Kooxahan buufinayay Kaneecadda xumadda dhalisa ayaa addeegsanayay gaadiid ay ku rakiban yihiin qalabka ay ku jiraan haamaha sunta cayayaanka lagu buufiyo, iyo qalab kale.

Xumadda ay dhaliso Keenacadu ayaa bilihii u danbeeyay faro baas ku haysay bulshadda gaar ahaana caasimadda Hargaysa, iyadoona ay xumadaasi u dhinteen dad tiro badan.

Waxaana Kaneecadda laga buufiyay meelaha biyo fadhiisiga ah, goobaha ay dhirta geed hoosaadka ah, iyo cawsku ka baxeen, iyo meel kastoo ay Kaneecadu ku dhalato ama ay degan tahay.

Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hawl galkani buufinta Kaneecadda ku hogaaminayay kooxahaasi ayaa uga mahad celiyay kooxahan ka kala socday wasaarradaha caafimaadka iyo beeraha ee fuliyay buufinta Kaneecadda.

Waxaanu ku bogaadiyay kaalinta weyn ee ay siinayaan ka hor tagga iyo la tacaalidda xanuunkan Xumadda ee ay dhaliso Kaneecadu.

Geesta kale, badhasaabka Gabiley, ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshadda Gabiley inay adeegsadaan waxyaabaha lagaga gaashaamanayo Kaneecadda, oo ay ka mid yihiin Marro-Kaneecooyinka.

Waxaanu intaas raaciyay C/qani Jiidhe, in qy dadweynuhu ku dedaalaan naadafadda gaar ahaana meelaha biyo-fadhiisiga ah, maddaama oo ay Kaneecadu ku taranto meelahaasi inay iska nadiifiyaan.

Dhinaca kal,e sagootin loo sameeyay kooxahan caafimaad waxaa badhasaabka Gabiley ku kala qayb-galay madaxda wasaarradaha caafimaadka, iyo beeraha ee gobolka Gabiley, maaarka ku-xigeenka degmada Gabiley iyo masuuliyiin kele.

DAAWO: Hadalkii Badhasaabka Ee Hawl Galka Buufinta Kaneecadda:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here